Ethiopia: Natiijadii dib-u-habaynta shaqaalaha dhawr xafiis oo la soo saaray iyo shaqaale tiro badan oo laga eryay

04/08/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)----Waxaa shalay la shaaciyay Qaybtii labaad ee barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha deegaanka somalida. Qaybtan oo mudo bila ah socotay ayaa lagu dhamaystiray dib u habaynta shaqaalaha dhawr xafiis oo ay ka mid yihiin xafiiska Kobcinta Awooda, Xafiiska Ganacsiga iyo Isgaadhsiinta, Xafiiska Arimaha Haweenka, Xafiiska Arimaha Shaqaalaha (CPA), Xafiiska Hawlaha guud iyo Xafiiska dakhliga. Shaqaale aad u diro badan ayaa laga eryay xafiisyadan iyagoo lagu saleeyay Aqoontooda, khibradooda iyo dhanka anshaxa oo ahaa waxyaabihii lagu qiimaynaayay xafiisyadan.

Waxaa xafiisyada qaar la sheegayaa in lagu soo reebay dhawr qof oo kaleya, halka shaqaalaha kale een laga eryin shaqadoodii badidooda hoos loo dhigay mushaharkoodii, hoos u dhigida mushaharada shaqaalaha ayaa iyadana lugu salaynayaa khibrada iyo waayo aragnimada uu u leeyahay shaqada uu ku qoranyahay shaqaaluhu. Waxaa sidoo kale garabsocda kala wareejinta shaqaalaha iyadoo loo eegaayo takhasuska uu shaqsigu leeyahay iyo xafiiska uu ka shaqeeyaba, sidaa daraadeed ayaa shaqaale badan laga wareejiyay xafiisyadii ay ku qoraayeen laguna wareejiyay xafiisyadii iyo boosaskii ay ku haboonaayeen.

Jijiga
Kilil5 Online