Ethiopia: Shir Golaha dhexe ee Xisbiga Talada haya ee deegaanka somalida Maanta uga furmay magaalada Jijiga ee casimada deegaank
Jijiga(Kilil5)---Wuxuu manta shir balaadhani uga furmay magaalada jijiga Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga dumuquraadiga shacabka somalida(XDS) ee dhawaan lagu dhisay magaaladan jijiga. Shirkan oo ah mid ay albaabadu u xidhanyihiin oo kaliya ay ka qayb qaadanayaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga ayaan ilaa hada ayna cadayn dulucdiisu.
Shirkan ayaa la sheegayaa inuu socondoono mudo 17 ilaa 21 cisho ah, ayaa xubnaha ka qaybgalaya shirka aan loo ogolayn inay magaalada u baxaan islamarkaana la sheegayaa in laga uruuriyay mobile ladii ay gacanta ku wateen si loo xadido wararka ku saabsan shirkan iyo hadba heerka uu maraayo, arinkana waxaa kalifay ayaa la leeyahay dawlada oo sirteeda iyo hadba hawsha ay damcaan inay ku dhaqaaqaan kahore intayna guda galin suuqa lasii galin jiray.
Shirarka noocan oo kale ah tusaale ahaan ee lagu eryaayo madaxda iyo masuuliyiinta sar-sare ayaa todobaado iyo maalmo kohore lasii hadal hayn jiray taasna waxay kaliftay hada in ay qasab noqoto in xubnaha ka qaybgalaaya shirarka noocan oo kale ah la kantaroolo si ayna wararka sirta ahi u bixin inta aan hawsha laguda galin.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline













