Ethiopia:Abaarta Degaanka Raaso Saamaysay oo Sabatay Dhimasho Dad iyo Dunyaba ah

03/23/08
Format for printing    

Abaarta Degaanka Raaso Saamaysay oo Sabatay Dhimasho Dad iyo Dunyaba ah

Xafiiska Gudoomiyaha Degmada Raaso

Ujeeddo: War Murtiyeed. Qaylo dhaan loguradinaayo deganaka raaso oo abaar daran samaysay
KA: Gudoomiyaha Dagmada Raaso Jamaal Sh. Cumar

KU: Dowladda Federaalka Demuquradiga ee Ethiopia

Ku:-Ismaamulka Somalida Ethiopia kilil5aad

Ku:-Xafiiska Laannta Abaaraha Ethiopia ee kilil5aad

KU: Jaaliyada dibada ee ku abtirsata degaanka saaro

KU: Hay,adaha samnafalka ee ka howlgala dalka Ethiopia

Ogaysiis: Dhamaan haweenka, aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka, dhamaan shacab waynaha degaanka Baali ee Itoobiya.

Raaso Town:

Degaanka degmada Raaso waxa uu ku yaalaa degaanka Soomaalida Ethiopia wuxuuna xuduud la leeyahay degaanka Oromia ee Ethiopia.

Dadka ku nool gobolka ayaa ah 70% xoolaleey, reer guuraa iyo 30% qaxooti kasoo barakacay degamadoodiihore kuwaasoo dhamaan ay noloshoodu ku xirantahay Roobka, taasoo muddo ka badan 6 bilood uusan di¢in wax roob ah sabatayna abaaro soo jiitamayey mudadaasi, nafaqo daro ku timid dadka iyo le¢asho ay bilaabeen xoolaha taasoo badday dadka Gobolka inay timaado dhibaatadan aan kor kusoo sheegnay. Xoolaha nool iyo gadidada loo isticmaalo biya dhaamiska sida,awrta iyo dameraha ayaa bilabay inay dhintaan malin walba kadib markii ay waayen waxay cunaan ,waxaa iyana bilabatay in ay dadka bilabaan dhimasho jogta ah taas oo ay uguwacantahay ,cafimad darada,biyo,laanta, baad laanta IWM

Dhibka ayaa hadda saameeyey 50% dadkii degenaa gobolka iyo 50% dad kii hore usobarakacay ee degaanka Raaso sidokale waxaa Raaso kusoo barakacay dadkii deganada oo xoolihii kadhamaadeen, kuwaasoo ay 20% yihiin Carruur aad u tabar xun oo aad ula daalan nafaqo darro ba¢an, taasoo keentay inay dhintaan, 2-5% ciyaalka ay da¢dooda ka yartahay 5 sano jirka, iyadoo hadda maraysa meel xun oo khatar ah haddii aysan helin gurmad deg deg ah.

DHIBKA JIRA:

Hoy xumo ay keentay barakaca abaarta taasoo sabatay inay dadkii Miyiga iyo kuwii horay u sii degenaa degaanada u dhaw raaso ay isugu yimaadaan meela yar oo ay noloshu isugu geysay iyadoo dadku aysan haysan dhamaan wax hoy ah marka laga reebo buushash ay gacmahooda ku sameysteen, kuwaasoo xilligaan waxba ku filneyn dhaxanta habeenkiii iyo kuleylka maalintii ee xilligan jiilaalka ah ee cimilada degaanka

NADAAFAD DARRO:

Nadaafadda ayaa ah mid aad iyo aad u hooseysa sababtoo ah ma jiraan biyo nadiif ah iyo hoy fiican, Musqulo Maro kaneeco, taasoo keeni karta qatar ba¢an oo dhinca caafimaadka ah oo ay ka mid yihiin cudurka Shuban-Biyoodka ah iyo Malaria out break.

RAASHIN XUMO:

Raashinka ayaa gabaabsi ah guud ahaan degaanka oo hadda maraya meeshii u dambaysay oo ay dadku cunaan oo kaliya 3dii jeerba mar, halka beeralayda iyo xolo dhaqatadu ay bilaabeen qax iyo barakac iyo qaarkii haray oo isticmaalaayo waxyaabaha lagu sumoobi karo cunto ahaan sida rashinka jajabka ee daniyaha iyo cayayaanku galeen kaas ookenikara xanuuno hore aan ujirijirin

mudo sanado ah wax gargaar bini aadanimo oo nogayimaada Dowalada Fedaraalka Ethiopia ama Dowladda Kilil5aad iyo hayad tona manaan arag hadaba laamaha abaraha ee gobolka Ethiopia iyo tan kilil5aadba waxaan kacodsanaynaa inay dadka wax dagdag ah lasogaraan.

DAAQ XUMO:

Guud ahaan dhulka gobolka ayaa u muuqdo mid aad u liita xagga dhaaqa taasoo la oran karo badidiisa dhulka wuxuu isu badelay saxaare, halka beerihi ay dhamaan ka qalaleen inta badana dalagyadii loo baxsan jiray xilligan ay qalaleen.

CAAFIMAAD XUMO: Caafimaadka ayaa ah mid aad u hooseeya oo aad iyo aad u liita guud ahaan degaanka oon lahayn wali goobo caafimaad habayrataate majiraan wax cafimaad ah ama gobolka ka hawl gala, gobolka oodhan taaso iyana sii kordhinkarta dhimashada maalinwalba kudhacaysa dadka degaanka Raaso.

biyo xumo:-

Biyo laan aad ubaahsan ayaa kajirta gud ahaan degaanka raaso fostada biyaha hadii lahelo aya maraysa 250 birr Ethiopian ah udhiganta $25 dollar dadku waxay cabaan mahaystaan ,boyado logudhamiyana majiraan ,gadidkii xolahanool sida dameraha iyo awrtii la isticmalijirayan ayaa gabi ahaanba la eeday daqlaan darted way la edeen tasoo sababatay in lawaayo wax lacabo dadkuno biyo lan darted ay udhintaan,daka ayaa rashinka galayda saloolsha marakay wayeen waxay kukarsadaan hadaba dawlada fadaraalka Ethiopia iyo dawlada kilil5aad iyo jaliyadahaba waxaan kacodsanaynaa inay nolasodhaqsadan waxaan biyo kudhansano boyado.

SOO JEEDIN:

1--Waxaan soo jeedinaynaa in dhammaan Aqoonyahanka, Dhalinyarada, Culimad awdiinka, Waxgaradka,jaaliyadaha
si deg deg ah wax looga qabto loona soo gaarsiiyo raashin,biyo, iyo daawo.

2--Dadka sida daran u wax-yeeloobay, in loo helo adeeg caafimaad oo dhamesytiran biyo nadiif ah in la helo Gaadiid lagu gaarsiiyo biyaha dadka meelaha fog ee miyiga ah ugu haraadan oonka ee aan soo gaari karin biyaha.

3--Waxaan dhamaan ugu baaqeynaa Hay¢adaha Qaramada midoobay, Beesha Caalamka, Dolwadda Federaalka Ethiopia, Kilil5aad ee ismaamulka somalida ah, Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka in ay la soo gaaraan gurmad aadaminimo oo deg deg ah haddii kale waxaa dhici kara masiibo aadaminimo oo fool xun, taasoon horay uga dhicin deegaanka Raaso.

NB.guud ahaan hada dadka kujira xerada qaxotiga ee soobarakacay waa 450,000 qof

Mahadsanidiin.

Wixii Faah-Faahin dheeri ah kal soo xariir Gudoomiyaha dagamada Raaso Jamaal Sh. Cumar

ACT QUICKLY BEFORE THOUSANDS STARVE TO DEATH

#17552 On Tue, 2008 03 25 21:21 Anonymous (not verified) said,

Long drought that struck in the entire Somali region of Ethiopia, and hardly hit Raaso region in particular is a familiar cycle of death and starvation that we have seen time and again. The federal government and the regional goverment both have selom responsibility to help people when they are in such crises and when they are in situation between life and death. We can not afford to lose thousands of lives every year. The goverment should set up specific programs that are ment to deal with droughts and natural disasters. Prevent before thousands of people starve to death, the government must act, and must act soon. The sooner the better. Let us save lives.

Yuusuf Ibrahim