Ethiopia: Wasiirkii biyaha,macdanta iyo tabarta iyo Wasiradii Arimaha Bulshada oo xilkii laga qaaday

03/21/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)----Waxaa shalay uu madaxwaynaha dawlada deegaanka somalidu mudane Cabdulahi Xasan uu xilkii wasiirnimo ka qaaday wasiirkii wasaarada Biyaha, macdanta iyo Tamarta Fuluus. Wasiirkan oo la sheegay in go’aan gudi xilka lagaga qaaday ayaan la sheegin sababta xilka looga qaaday. Fuluus oo mudo yar xilka hayay ayaa uga yimid booskan wasiirnimada wadanka Maraykanka.

Waxaa kale oo la sheegayaa in Wasiiradii xafiiska arimaha Bulshada Wizero Fadumo sidookale iyadana xilkii laga qaaday. Xilka qaadista wasiirada iyo madax xafiiseedyada ayaan ahay mid ku cusub dawlada deegaanka somalida iyado marka hore ay aad u dhib yarta qofka wasiirka noqonayaa sida uu jagada wasiirnimada ku qabto iyagoo qabiil iyo garabaysi isticmaala, shaqsigana aan loo tixgalin aqoontiisa iyo waaya aragnimada uu leeyahay balse la eego kaliya qofkani sideebuu uga soo shaqeeyay arimaha nabadgalyada, sideebuu u taageeraa dawlada, taasina waxay sahashaa marka dambe in si fudud looga qaado xilkii uu uhayay umada isagoo lagu eedeeyo karti darro iyo inuu shaqadiisii sidii loo rabay u gudan waayay. Dadkan wasiirada loo magacaabo ayaa badidoodu waxay u adeegsadaan masuuliyada iyo xilkan ay qaadeen danahooda gaarka ah, wasiirkastaa iyo madax-xafiiseed walbaana wuxuu ku fikiraa sidii wakhtiga kooban ee uu xilka hayo uu uga faa’iidaysan lahaa sidii uu xoolo uga dhaqan lahaa qabiilkisana wax ugu qaban lahaa taas oo ilawsiisa danaha guud iyo danta umada uu xilka u hayay una dhibatay.

Dhanka kale wararka aanu ka helayno xuduudaha u dhexeeya deegaanka somalida iyo jamuriyada Somaliland ayaa sheegaya in la xidhay aagaas, oo ciidamada dawlada itoobiya aagaas la geeyay si loo joojiyo baabuurta raashinka wada ee ka soogasha dalkaas oo deegaanku uu dan wayn ku qabay. Hadaba wakhtigan hada lagu jiro oo ay deegaanka ka jiraan Abaaro aad u daran , cunto yaraan, biyo la’aan iyo sixir barar aad u sareeya ayaa xidhitaanka xuduudaha labadan deegaan ay aad u sii adkayndoontaa nolosha umada deegaanka ku dhaqan oo boqolkiiba todobaadan la odhan karo inay ka helaan raashinka ama uu uga soo galo jamuuriyada Somaliland.

Jijiga
Kilil5 Online