Ethiopia: Warbixintii u dambaysay ee DPPB ay ka soosaartay xaalada deegaanka
Jijiga(Kilil5)----Xaalada guud ee damanada cuntada ayaa ah mid caadi ah deegaanka gobolka Jijiga, gobolka shiniile ayaa isagana ay xaaladiisu ku dhawdahay mid caadi ah marka laga reebo degmooyinka Cayshaca, qaybo kamida Dhanbal iyo goobaha ku xeeran degmada Afdam iyo Maaiso kuwaas oo xaladoodu ay caadi ka hoosayso. Deegaanka intiisa kale ayay badi xaaladoodu ay ka hoosaysaa caadi, waxaana ka mida Gobolada ay xaaladoodu aadka u liidato qaybo kamida Gobolada Fiq, Dhagaxbur,Qoraxay, Afdheer iyo Godey. Degmooyinka katirsan goboladan ee kamidka ah kuwa ay xaaladooda cunto ay aadka u sii liidato waxaa kamida: Shilaabo iyo shakoosh oo Qoraxay ah; Qalaafo,Mustaxil iyo Imay Bari oo Goday ah, degmooyinka Dhuxun, Garbo iyo Sagag ee Gobolka fiiq; degomooyinka Baaray iyo Imay galbeed ee gobolka Afdheer; Gunagadho iyo Dhagaxmadaw ee gobolka Dhagaxbuur. Wakhtiga Jiilaalka oo sii dheeraanaya awgeed ayaa xaalada deegaanku ay sii xumaanaysaa dhanka wax soosaarka, suuqa, biyaha iyo daaqa.
Jiilaalka oo bilaabmay xiligii dayrta 7 gobol oo dayrta heli jiray ayaa sababay in ay goboladaas ka dhacaan dhibaatooyin la xidhiidha daaqa yaraan,kuwaas oo iyaguna sababay caano yaraan kuna kalifay xoola dhaqatadii inay goobo kale u hayaamaan.
daba dheeraashada jiilaalka ayaa sii yaraynaysa daaqa xoolaha iyo biyaha kuwaas oo iyaguna si toosa u saamaynaaya nolosha dadka xoolo dhaqatada ah .
Ilaa xiligii jilaalku bilaabmay biyo yaraanta deegaanka ayaa sii badanaysay waxayna noqotay dhibaatada ugu wayn ee deegaanka ka jirta ee dhanka nolosha, gaar ahaan degmooyinka biyo ahaan ku tiirsan barkadaha ee Qoraxay, Wardheer iyo Dhagaxbuur. Meelobadan oo kale oon iyaguna damaanad qaad biyood lahayn sida godey,Afdheer, Liban, Fiq iyo qaybo ka tirsan gobolka shiniile ayay iyagana dhibaatadan biyo yaraantu sidoo kale soo wajahday
Danka suuqa ayaa waxoogaa aad moodaa in dadku ay ku ladan yihiin midhaha ka soo go’a deegaanka kuwaas oo aan qiimahoodu aad u kicin. Qiimaha raashinka dabadaha laga soo dajisto ayaa iyagu waayadanba circa ku shareernaa, qiimahan sareeyaana wuxuu hoos u dhigay awoodii iibsiga ee magaalada iyo miyigaba. Qiimaha Xoolaha ayaa iyagu hoos u sii dhacaya tayo xumo awgeed.
Suuqa xoolaha ee gobolada Jijiga iyo shiniile ayaa iyagu iska fiican maadaama ay xidhiidh ganacsi uu ka dhexeeyo gobolada wadamada Jabuuti iyo Somaliland.
Xafiiskan ka ka hortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka ee deegaanka ayaa soo jeedinaya in meelahan ay dhibaatooyinku ka jiraan ay aad muhiim u tahay in lalagaadho biyo dhaamin booyadood iyo caawimaad raashin. Dib u hagaajin barkadihii jajabay ayaa iyaguna ka caawin kara dadkan tabaalaysan in booyadaha biyo dhaamintu ay ugu kaydiyaan
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline













