Ethiopia: Warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan G/dhagaxbuur iyo gobolada ka hooseya
Todobaadkan oo aan magaalooyin ka mida gobolka dhagaxbuur aan socdaal kusoomaray ayaa waxaan indhahayga kusoo arkay xaalada guud ahaan ka jirta gobolkaas gaar ahaan magaalada caasimada u ah gobolkaas ee Dhagaxbuur. Deegaanka waxaa si guud u saamaysay abaar xiligeedii kasoo hor martay taas oo la ii sheegay inuu sabab u yahay roobabkii dayrta ee lasoo dhaafay oo aad ugu yaraa guud ahaan deegaanka, hada waxaa lagu jiraa xili jiilaal ah, waxaa la filayaa roobabkii gu’gu inay bilawdaan bisha April ee sosocota oo ay hada laba bilood ka hadhay. Roobab aan saas ubadnayn ayaa laga soo sheegayaa agagaarka degmada Gunagado iyo Qabalaha Gurdumi.
Intii aanu jidka kusii jirnay ayaa waxaad arkaysay dhulku inu aad u dulaysanyahay oo ay ka muuqatay diifta jiilaalku, marnaba waxayna indhahaagu qabanaynin wax caws ah marka laga reebo seerayaasha wadada hareeraheeda ah ee ay dadku sida gaarka ah u ooteen waxaa dhulka ka dhacaayay dabaylo kuwaas oo astaan u ah jiilaalka, waxaa la ii sheegay dhamaan gobolka dhagaxbuur inuu abaarta ka simanyahay iyo waliba inay la qabaan gobolada kale ee kasii hooseeya. In kastoo uu raashinku iyo maciishada kale marka laga reebo shidaalka uu si toosa uga soogalo dhanka jamuuriyada Somaliland iyo dhanka caasimada deegankaba hadana qiimaha maciishada ayaa samada ku shareeraa taasna gobolku wuxuu kala simanyahay dhamaan deegaanka. Dhagaxbuur ayaa ah gobolkan ay raashinka iyo badeecadaha kale ay si tooska aha ugu soodagaan halkaas oo loogasii kala gudbiyo gobolada kale ee ka hooseeya gaar ahaan gobolada dhibaatooyinka laga soo sheegaayo ee ay hawlaha milatarigu ka socdaan.
Korontada laydhka ee ka timaada harada Qooqa ee deegaanka axmaarada ee soo xidhiidhsan ilaa deegaanka somalida oo awalkii hore ku ekaan jirtay caasimada deegaanka somalida ee Jijiga ayaa hada gaadhsiisan degmada Qabribayax oo ilaa 45 kiiloo mitir uun dhanka dhagaxbuur kaga aadan Jijiga.Dhagaxbuur iyo gobolada kasii hooseeya ayaa dhamaantood isticmaala koronto gaar ah ama ku kooban caasimad goboleedyada kuwaas oo shidaalka lagu gaadhsiiyo booyado waawayn. Magaalada dhagaxbuur ayaa dhawr todobaad ah la ii sheegay inayna wax laydh ah helin shidaalkii korontada oo kala go’naa awgeed. Dadka magaaladaas dagan ayaa ii sheegay inta aan laydhka laga’goyn inay helijireen habeen dhaaf. Magaalada ayaa laydhka hesha kaliya 6 saacadood oo ka bilaabma 12:00 fiid nimo ilaa 6:00 habeen badhka.
Inkastoo gobolkani uu ka mid ahaa gobolada ay dhibaatooyinka dagaalada ee u dhexeeya dawlada iyo kooxaha mucaaradka ahi uu saameeyay, hadana wakhti xaadirkan ayaa nabadgalyada gobolkaas iyo guud ahaan deegaankuba ay fiicantahay. Qaar kamida dadka ku nool gobolkaas ayaa ii sheegay hada cabsida ugu badan ee ay shacabku qabaan inay tahay mid ku aadan dhanka dawlada, waxay ii sheegeen inkastoo dadkii qaar la siidaayay hadana wali inay dadbadani xidh-xidhan yihiin xadhiguna yahay mid aan lookala aaba yeelin ee qofkii la tuhmaba isagoon wax cadayn ah lagu hayn jeelka lootaxaabo,dakan xidh-xidhan ayaa waxaa la odhankaraa in dhamaantood ay u xidhan yihiin tuhun laga qabo inay xidhiidh laleeyihiin jabhadaha gaar ahaan jabhada ONLF.
Jimcihii lasoo dhaafay ayaa goroonka diyaaradaha ee magaalada dhagaxbuur waxaa Afar ilaa Shan jeer soo fadhiisatay diyaarad kuwa dagaalka ah ee qumaatiga u kaca ama helikobtarka loo yaqaan oo tuuto ah ama dirayska ciidanku uu ku xardhanyahay. Lama sheegin wax dhiibaatooyin iyo iska hor imaadyo ah oo ka dhacay aagaas balse dadka degan magaaladaas ayaa ii sheegay in badanaa marka ay dagaalo dhacaan ay sidan oo kale diyaaradu isaga daba noqon jirtay, qaarkalena waxay ii sheegeen inay suuro galtahay in ay saad ama rasaas iyo raashin u qaybinaysay ciidamada dawlada ee kala degan agagaarka magaalada meelaha ayna baabuurtu gali karin sida buuraha dushooda.
Magaalada aware oo iyaduna ka tirsan gobolkaas ayaa war aan ka helay waxay tibaaxayeen in dhamaan shaqaalihii dawlada amar lagu siiyay inay hawlgal milateri u baxaan lana soo dagaalamaan jabhadaha, wax mushahar ah oo lasiinayaana ayna jirin ilaa ay dagaalada ka sooqayb qaataan. Wararkale oon wali la xaqiijin ayaa iyaguna sheegaya in uu dagaalo ay ku dhex mareen agagaarka degmadaas jabhada ONLF iyo Al-Itaxaad.
Sidoo kale war aan isagana la xaqiijin oo aan mardhawayd helay ayaa sheegaya in degmada aware ay xalay jabhadu weerarkusoo qaaday laguna dhex dilay laba ruux, lama soo cadayn warkan sugnaashihiisa wixii kasoo kordhana wararkayaga dambe ayaad ku arkidoontaan.
Dhanka caafimaadka hadaan u leexano magaalada dhegaxbuur waxay leedahay hal Cusbitaal, cusbitaalkan oon booqasho ku tagay ayaa waxaa aad uga muuqatay nadaafad daro iyo bukaanka oon haysan qolal jiif oo ku filan dabadeed ay dantu ku qasabtay in bukaano farabadan la isugu keeno qolal kookooban, waxaa cusbitaalka ka dhex shaqaynaayay oo hawlo caafimaad ka dhexwaday haayada MSF iyagoo bixinaayay adeegyo caafimaad ookala duwan, shaqaalaha cusbitaalkana kormeer ku samaynaayay, waxaakale oo ayhaayadu bixisay lacago dheeraad ah oo ay ku dhiiri galinayso shaqaalaha cusbitaalka inay wakhtiyo dheeraad ah adeegyo bixiyaan. Haayada WFP ayaa iyadana xarun balaadhani ay uga furantahay magaaladaas.
Qaarkamida shaqaalaha ACF( save the children) oo aan shalay lakulmay ayaa ii sheegay in haayadooda ay ciidamada dawladu kasoo celisay meel 50KM u jirta magaalada Qabridahar ee gobolka Qoraxay dabadeedna ay ku soolaabteen dhagaxbuur oo ay markii hore ka kicitimeen., looma sheegin lamana garanaayo sababta ka dambaysa in loo diido haayadani inay gasho gobolkaas. Waxaa kale oo ay intaas iigu dareen in haayada MSF ay ciidamada dawladu ka xidheen 2 baabuur magaalada godey ee gobolka godey. Haayadan ACF ayaa ugu dambayntii loo fasaxay safarkoodii balse waxaa shuruud looga dhigay inayna mari karin jidka u dhexeeya labada gobol ee Qoraxay iyo Wardheer balse ay Qoraxay kasoo gali karaan dhanka gobolka Dhagaxbuur.Warar aan la xaqiijin ayaa shegaya in sababta looxidhay jidadka u dhexeeya labadan gobol ay tahay, in ciidamo tiro badan oo ONLF ahi ay kasoo gudbeen xuduudaha uu deegaanku la leeyahay Somalia soona galeen gobolka Wardheer.
Warkale oo nagasoo gaadhay gobolka Fiiq degmada Segag ayaa sheegaya in 13 isugu jira masuuliyiin,ganacsato iyo shacab ay maxakamada degmadu ku xukuntay xadhigyo kala duwan, arintan ayaad moodaa inay daba socotay xukuno hore oo la xukumay qaar kamida masuuliyiin katirsanayd degmada Fiiq.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline













