Ethiopia: Maxay siyaasada deegaanku u saldhigi la'dahay??

01/18/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Siyaasada iyo maamulka xukuumada deegaanka soomalida ayaad moodaa marba marka ka dambaysa inay sii jaangawracmayso. Waxaa isasoo taraaya khilaafaadka u dhexeeya qaar kamida kuwa jaangooya amaba ay talada deegaanku kago’do iyagoo isu bahaysanaaya koox-koox loolan adagna ugu jira sidii ay kooxkastaaba uga guulaysanlahayd kooxda kale, waxaa lookala badiyaa sidii garab adag looga helilaa dawlada faderaalka gaar ahaan ra’iisal wasaaraha dawlada iyadoo loosii maro lataliyihiisa dhanka amniga gaar ahaan kan deegaanka somalida ato Abay sahay, waxaa aad u soo badanaaya wufuuda ka imanaysa dhankaas iyo dawlada faderaalka. Waxa bilihii lasoodhaafay iska soo daba dhacaayay eriga , xil kaqaadida wasiirada(madax-xafiiseedyada). Waxaa digniino culus loosoo jeediyay qaarkale. Hogaamo iyo masuuliyiin sarsare ayaa kagoostay dalka, qaarkale oo waxbarasho uga maqnaa deegaanka ayaa xilka laga siiqaaday, halka qaarkale lasheegay inay wadamo kale iska dhiibeen.

Laba cisho ayaa ka soowareegtay xilka qaadidii wasiirkii ugu dambeeyay mudane Cabdi Casiis Axmed sayid madaxafiiseedkii X/Ilaalinta Guud iyo Cadaalada, waxaa maalmo kahoreeyay wasiirkii dakhliga, waxaa kale oo ilaashalay la isla dhex maraayay war aan sugnayn oo sheegaaya in qaarkalena ay waraaqdoodu qorantahay sida koomishineerka booliska Taliye Yuusuf Jalaale oo isaga magacaabistiisa ay todobaado kasoo weegtay.Sidoo kale waxaa la sheegayaa in hogaanka Arimaha Nabadgalyada iyo Maamulka Cadaalada mudane Cabdi Muxumed Omer(Cabdi Ilay) qudhiisa uu gam-game kusocdo oo ay gudi faderaalka kasocotaa dabagal ku hayaan iyagoo ku eedaynaaya xidh-xidhid dad farabadan oo ay garsoorayaal faderaal ahi xabsiyada ka siidaayeen dhawaan oo dib loo xidh-xidhay iyo waliba xadhigii xaaji ibraahim xaad. Hadaba waxay arin lafahmi waayo kunoqotay dadka siyaasada deegaanka indho-indheeya iyo bulsho waynta kudhaqan deegaankaba guur guurka iyo wajiyada badan ee ay isticmaalaan siyaasiyiinta majaraha u haya maamulka deegaanka.

Jijiga
Kilil5 Online

Wuxuu kililku kadagi la'yahay "wayaane"

#16971 On Thu, 2008 01 24 07:07 Ibrahim-rashiid (not verified) said,

Su'aasha ay is waydiisay kilil5.com ee ahayd muxuu kililku ladagi la'yahay waxaan umalayn hayaa in qofkasta oo u dhashay gobolka ogaden uu sidhib yar uga jawaabi karo su'aashaas. Waa marka horee kuwa isku sheega inay yihiin madaxda kililka wax maamul ah oo gacanta ugu jira malaha oo iyagaaba habeen walba cabsi iyo goormaa xabsiga laguu taxaabi kuseexda kadibna harkii lagu qasbo wax kasta oo kafog cadaalada iyo bini aadnimada oo layskudiro dadkay lahaayeen waan matalaa ayaa latuuraa sida gaandhada sigaar. Hadaba waxa kadanbeeya in uu jaah wareer kudhaco deegaan somalida waa tikreega oo sidaas ugu talagay umada somaliyeed ee kunool ogaden.....

It is so obvious for anyone who wishes to see

#16938 On Sat, 2008 01 19 07:38 Kadhex Toose (not verified) said,

waxa degenaanshaha aan ogoleyn waa dawlada dhexe oo ay dani ugu jirto in la kala shakisnaado oo aan la midoobin. Waan hubaa inay ina Iley na xidhi doonaan markay muraadkooda ka gaadhaan. waxaa ay ku haystaana waa waxay iyagu u direen!!!xaqiiqdu waa taas. waa guumaysi iyo caadadii. I am dumbfounded why some people would make mystry of 'the blatant' thing.

Wuxuu Killilku Ka Deggi La Yahay Dan Qabiil

#17211 On Sat, 2008 02 23 20:19 Haldoor1@Gmail.com (not verified) said,

Killilka 5 aad wuxu ka degi la yahay dad wata dano qabiil oo danahooda qabiil usii maraya maamulka gobolka.
waxa xusid mudan in raga siyaasiyiinta ah e ka soo jeeda qabiilka Ogaadeenku ay doonayaan inaan gobolku u saldhigin si ay ugu fusho damaca laciifka ah ee caqligooda ku jira oo ah doonista magaca gumaystaha ee ( Ogadenia ) ..... waa arrin iska cadaan ah in qabiilkanu ku heshiiyeen inay dhinacna dadka kala socdaan dhanka kalena matalaan niman doonaya xornimo oo ay u samaystaan ururka aan awooda lahayn ee umadoodana baaba'a ugu wacan ee Onlf
qabaailka kale ee gobolka somali galbeed ayaa looga baahanyahay inay ka tashadaan danahooda oo aanay waxba ka weydiin qabiilka ogaadeen oo dhinac looga soo wada jeesto damaca xun ee daciifnimadu ragaadisay ee ay wataan....

wabilaahi towfiiq