Ethiopia: Warbixin Guud oo ku saabsan dhibaatooyinka kajira Deegaanka
Baryahan dambe waxa aad looga dayrinayaa xaalada ay kusugan yihiin
shacab tiro badan oo ku nool Gobolo kamid ah deegaanka Ismaamulka
Somalida ee Itoobiya. Lix Gobol oo kamida sagaalka gobol ee uu
deegaanku ka koobanyahay oo kala ah Dhagaxbuur, fiiq,Wardheer,Godey,
Qoraxay,iyo Afdheer ayaad modaa inay dhibaatooyinka ka jira deegaanku ay
sigaar ah u saameeyeen haba sii kala daraadaane. Macaluul ba’an iyo
xaalad bilawaadminimo ayaa gobolada qaarkood laga soo sheegayaa.
Dhibaatooyinkan ayaa sabab looga dhigi karaa inay salka ku hayaan sadex
arimood oo kala ah
(1). Nabadgalyo Xumo: Goboladaas ayaa inta badan ay dagaalo joogto ahi
ku dhexmaraan ciidamada dawlada faderaalka iyo kuwa tadaaqiga ah oo
isgarabsanaaya iyo jabhado dawlada ku kacsan sida ONLF iyo Al-Itaxaad.
Waxaa inta badan adkaata isu gooshida baaburta xamuulka iyo raashinka
sida. Dawlada ayaa inta badan xanibta isusocodka gaadiidka shacabka iyo
waliba kuwa haayadahaba iyagoo ka baqa inay kaalmo dhaqaale iyo
raashinba ay siiyaan jabhadaha ay dagaalka kula jiraan oo badanaa
raashinka kala daga baabuurta iyagoo u istaagaaya jidadka ay marayaan.
Baabuurta xamuulka ayaa laga yaaba inay wakhti dheer oo bilo ah u
taagnaadaan sugitaanka kaanbayga ama koloyo ciidan ah oo laga yaabo
bishiiba mar inay u baxaan goobahan baahidu ka jirto ee ay baabuurtu
raashinka gaynlahaayeen. Waxaa iyaduna jirta jidadka isu xidha
goboladaas oo qaarkood ay sixun u miineeyeen jabhaduhu.
(2). Maamul Xumo: Waxaa iyadana dhibaatada sabab looga dhigi karaa
dhibaatooyinkan gobolada ka jira maamul xumo iyadoo raashinka iyo
deeqaha ay dawlada dexe iyo haayaduhu ay macaawino ahaan ugu deeqaan
shacabka ku tabaalaysan goboladaas ay maamulka gobolada iyo degmooyinka
hoosiymaadaa u leexiyaan dhankale.Degmooyinka qaarkood ayaa waxay ka
soocabanayaan in raashinkii shacabka loogu talogalay ay maamulku
qaybsadaan iyo in loo qaybiyo ciidamada tadaaqiga ah ee ka hawlgala
goboladaas iyo in badanaaba deeqaha noocan oo kale ah loogu jiheeyo
dhanka nabadgalyada iyo ladagaalanka jabhadaha. Jabhadaha ayaa laftoodo
waxay rogtaan baabuurta xamuulka ee kaalmooyinka raashinka sida iyo kuwa
gaarka looleeyahayba iyagoo ku qaybiya banaanada iyo tuulooyinka yar yar
e aan ahayn kuwa ay dhibaatadu ka jirto amabase kaalmada loowaday.
(3) Abaaro: deegaanka soomalida ay caan ku ah abaaro soo noq-noqda oo
labadiisanaba amaba sanadkiiba mar si guud u saameeya deegaanka. Dadka
ku nool deegaanka gaar ahaan kuwa goboladaas aynu soo sheegnay kunool
ayaa ubadan dad xoolo dhaqato ah oo hadba meesha daaqa iyo roobkaleh ula
guur-guura xoolohooda. Sanadkan roobabkii dayrta lafilaayay ayaan u
di’in sidii loo malaynaay, hadana waxaa fooda lalasiigalayaa jiilaal.
Dadkan xoola dhaqatada ah ayaan xoolohooda ku helin qiimo fiican
sababtuna ay tahay abaaraha oo saameeyay tayadii xoolaha dabadeed ay ku
adkaataa inay awoodaan iibsashada raashinka sida adag ku soogaadha
goobahaas oo qiimihiisu samada ku shareermo.
Gobolada Jijiga, shiniile,iyo Liiban ayaa iyagu xaalada nololeedi ee ka
jirtaa ay ka duwantahay tan gobolada kale inkasoo ay jiraan sixir barar
dhanka maciishada ah oo ay sababeen shidaalka oo qaaliyoobay,
kootarabaankii ka soogali jiray dhanka dawlada Somaliland oo la adkeeyay
kadib markii xuduudaha deegaanku uu la wadaago dawladaas culays badan la
saaray si loo xadido socdaalada aan sharciyaysnayn ee isaga talaaba
labada wadan iyo waliba shacab aad u tiro badan oo isasoo dhoobay
goboladan iyagoo kasoo cararaaya goboladaas ay dhibaatooyinku ka jiraan.
Dhanka kale waxaa jirta in ay xabsiyada dhamaan gobolada deegaanka ay ka
buuxaan dad tiro badan kuwaas oo dhamaantood la’odhankaro waxay ku
eedaysanyihiin arimo siyaasadeed iyo taageero jabhadeed, dadkan
badidooda waxaa kujira dad sanado xidhnaa ilaa hadana wax maxakamad ah
oo lasoo taagay ayna jirin. Taageerada jabhada ayaa waxaad moodaa
baryahan dambe inay noqotay wax la isku khuukhiyo taas oo qof waliba
qofka uu necebyahay ha ahaado mid ay siyaasad isku hayaan, ama dano
gaara oo kale haka dhexeeyaane uu midba midka kale ku eedeeyaa inuu
yahay taageero jabhadeed. Inkastoo dhawaan xabsiyada caasimada deegaanka
laga siidaayay dad aad u tirobadan kuwaas oo mudadii ay xidhnaayeen aan
wax maxakamad ah lasoo taagen, qaarbadan oo kamid ah ayaa markaad
waydiiso sababta ay u xidhanyihiin ay kuugu jawaabayeen waa kashaki ama
maba garanaayo waxaan u xidhanahay iyo waliba sidii la’iisoo xidhay wax
iga daba yimaada oo wax igu soo eedeeya mabaan arag, iyo wax isoo
xidhayba magaranaayo oo habeen madaw ayuunbaa la isoo kexeeyay. Waxaa
iyaguna dhawaan sidaynta dadkaa dabadeed yimid garsoorayaal ka socday
dawlada dexe ee faderalka, kuwas oo baadhaayay dambiyada ay dadkani u
xidhanyihiin iyo inay maxakamad lasoo taagay, mudadii ay
garsoorayaashani hawlahooda wateen waxaa xabsiyada magaalada jijiga ee
caasimada deegaanka laga siidaayay tiro kale oo maxaabiisa. Hadaba
inkastoo ay jirtay siidayntan isdaba jooga ahi hadan waxaa wali isagu
halkiisii ka siisocda xidhaygii taas oodmoodo dadka la siidaynayaa inay
dadkale booska u siibanaynayaan iyo degmooyinka oon iyaga wali loo
dhaqaaqin siidaynta maxaabiista halkaas ku xidhan.
Hadaba waxaa iswaydiin leh maxay tahay sababaha dadkan loo xidh-xidhaa
yaase ka dambeeya xidh-xidhkan. Inta badan sababta dadka loo xidh-xidhaa
ayaa waxay tahay rabshado iyo falal ay jabhadaha nabadiidka ahi ka
fuliyaan maagaalooyinka kuwaas oo ay ciidamada iyo booliskuna dabagal
kusameeyaan dabadeed ay u soo xidh-xidhaan dadbadan oo laga yaabo inayna
waxba galabsan balse lagu soo hogaamiyay, amaba se dad kolkii hore looga
shakisanaa arimo taageero dabadeed marka ay falalka noocan ahi dhacaan
xabsiyada loo taxaabo kadibna laga yaabo inay waligood kashaki u
xidhnaadaan.
Waxaa kale oo iyaguna xabsiyada deegaanka ku jira masuuliyiin xilal ka
soohayn jiray deegaanka kuwaas oo qaarkood lagu soo eedeeyay arimo musuq
maasuq iyo qaar laftoodu taageero looxidhay.Xukuumada deegaanka
soomaalida guud ahaan gaar ahaan maamulada Gobolada ayaa waxaad moodaa
inay majaraha u hayaan ciidamada dawlada faderaalka. Maamulada ka jira
deegaanka gaar ahaan kuwa goboladaas shanta ah ee aan kor kusoo sheegay
ayaa waxaad moodaa waxa la isugu faana ama la isugu awood sheegtaa ay
tahay hadba sida ay uga agdhawyihiin ciidamada iyadoo masuuliyiintu ay
ukala awood badanyihiin hadba sida ay taageerada uga haystaan ciidamada
dawlada faderaalka, taasna badanaa madaxda iyo maamulka goboladu waxay
noqotay arin ay ukala baratamaan si koox-kastaaba ay awood ugu hesho
inay ka xoog roonaato hadba kooxda ay arimaha siyaasada isku hayaan.
Waxaad arkaysaa dad u xidh-xidhan ciidamada booliska kuwaas oo habeenkii
ay ciidamada fadaraalku labaxaan hadbana waxay doonaan kusoo sameeyaan
iyada oo ay ciidamada boolisku kaga haboonaayeen baadhitaankooda iyo
xukunkoodaba. Booliskuna awood umalaha uu kaga hortago arimahaas.
Dhibaatooyinkan aan kor kusoo sheegnay waxaa deegaanka u dheer
masuuliyiintii sarsare ee deegaanka oo aad moodo inay loolan iyo
guruubaysi ay ku jiraan iyadoo ay had iyo jeer iyaga dhexdooda ay ka
jirto carqalad siyaasadeed. Waxaad arkaysaa nin wasiir saaka loo doorta
barina laga qaaday xilkii iyo midkale oo lasoo magacaabay
Dhanka horumarka deegaanka hadii aan wax kayara taataabano, waxaa
dhawaan larajaynayaa furitaanka Garoon diyaaradee oo caalami ah kaas oo
mudo badan dhismihiisu ka socday caadimada deegaanka. Wado laami oo isku
xidhidoonta Jijiga ilaa Godey ayaa dhismaheedu waayadan oodhan socday
taas oo hada ay laamidii gaadhay qabaleega Cobole oo wax yar u jira
magaalada dhagaxbuur ee caasimad goboleedka gobolkaas. Dhanka
waxbarashada ayaad moodaa tirada ardayda sanadkii dhawaa gashay dugsiga
sare inay laba jibaar noqotay taas oo uu qaadiwaayay dugsigii sare ee
magaalada jijiga kadibna ay qasab noqotay iskuul dusi dhexe ahaan jiray
in si kumeel gaadh ah looga sii dhigo dugsi sare. Waxaa dhawaan laga
dhisi doonaa magaalada jijiga hal dugsi sare oo kale kaas oo lacag
gaadhaysa 10 million birr ku kicidoona. Jaaamacada jijiga ayaa hada mudo
dhawr bilood laga joogo u dabaaldagtay sanad guuradeedii koowaad,waxaana
la rajaynayaa inay ka haqabtiri doonto baahidii waxbarasho ee dadwaynaha
deegaanka ku dhaqani u raadsan jiray deegaamada kale.
Xafiiska Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline













