Xaad:"walaahi dagaalka iyo gumaadka dadka loo geysanayo, waxay kuu muujinayaan cadaawada loo qabo shacabka reer Muqdisho, bakaar

08/19/08
Format for printing    

"walaahi dagaalka iyo gumaadka dadka loo geysanayo, waxay kuu muujinayaan cadaawada loo qabo shacabka reer Muqdisho, bakaaro wax ma bi'in, mar kastana madaafiic ayaa lagu garaacayaa" sidaasi waxaa yiri Maxamed Xasan Xaad oo ah gudoomiyaha garab ka mid ag golaha odayaasha midnimada iyo dhaqanka beelaha Hawiye.

"Dagaalka waxaa wada rag aan dooneyn in xal la helo, waxayna muujineysaa in kuwa heshiiska Jabuuti ku galay iyo kuwa gudaha jooga aaney iska war qabin" Ayuu yiri Xaad.

"Inta ciidamada Itoobiyaanka ay dalka ku jiraan oo guryaha shacabka ay ku dhex hoyanayaan, xabad ma joogsaneyso, haddii ay baxdo suuro gal waaye in isku soo dhowaansho la helo" ayuu raaciyay Xaad.

Wuxuu sheegay Xaad in ciidamada Itoobiyaanka xabad wax aan ahayn aaney dalka uga baxayn, sidaasi oo ay tahayna loo baahan yahay in dagaal lagala hortago.

Mohamed Ali Madka
Muqdisho-Somalia