War deg deg ah: Madaafiic lagu garaacayo suuqa Bakaaraha.

08/19/08
Format for printing    

Waxaa Madaafiic lagu garaacayaa suuqa bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn koonfurta SOomaaliya, xilli goor sii horeysay dagaal uu ka qarxay qeybo magaalada Muqdisho ka mid ah.

Wararka ayaa sheegaya ilaa afar qofood aydhaawacmeen ilaa iyo hadda, iyada oo weli weerarka madaafiicdaasi uu ku socda suuqa.

Waxaa la xiray dhamaan suuqa, sidoo kalena waxaa suuqa ka baxay inta badan dadkii halkaasi ku ganacsanayay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii halkaasi ku sugnaa.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka laga soo ganay madaafiicdaasi, iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in madaafiicdaasi laga soo ridey xaruna madaxtooyada dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed.

Dhinaca kale, iska hor imaadkan ayaa dhacay xilli dagaalo xoogan ay goor dhoweyd ka bilowdeen wadada sodonka ee magaalada Muqdisho.

MOhamed ALi Madka