Cawshii Baabuurka Nalkiisu Qabtay (Deer Caught in the Headlights)
Cawshii Baabuurka Nalkiisu Qabtay (Deer Caught in the Headlights)
Dadka inta ugu badan ayaa aamminsan in dhibaatada Soomaaliya iyo Soomali haystaa ay tahay mid ku salseysan dhibaatooyinka u qabiilku keeno. Laakiin anigu arrintaasi ma aamminsani.
Mararka qaarkood oo ay shaqsiyaad dano gaar ah lehi ka faa’iideystaan dhibaatada iyo xilliga kala-guurya iyaga oo qabiil ku majara-habaabinaya dadka qaarkood mooyee, inta ugu badan dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan wey kala-guursadaan, wey iska dhex baayac-mushtaraan, wey wada tukadaan, wey is-aasaan, wey isku qaxaan, wey iska-kala dhexsocdaan.
Marka laga reebo cadaadiska dalalka horumary ay ku hayaan dalalka soo koraya, oo ay Soomaaliyana kala siman tahay, waxa soo hadhaa waa waxyaabaha gaarka u ah Soomaaliya ee xaaladdeeda maanta loogi dhigi karo sabab.
Haddaba markaad eegto qabiilka, waxaad ka soo qaadan kartaa sida midabka Mareykanka dadka looga kala soco ama sida ay Itoobiya ugu kala qaybsan tahay qowmiyadaha (ethnic groups), ama sida nidaamka dabaqadaha bulshada Indiya (caste system) dadkeedu ku kala qaybsan yihiin iyo waxyaabaha kale ee ummad dawlad ku hoos jirtaa ku kala duwanaan karaan. Had iyo jeerna dabqadda wax maamushaa ayaa arrimahan sii xoojisa oo kala qaybisa dadyowga intooda kale si aan loogu midoobin iyaga oo had iyo jeer iska ilaaliya inayna dawladdu kala daadaan, sababta oo ah danahooga ayey ku waayayaan haddii dawlad la'aani timaad. Haddaba aaway dabaqadda danaha xoogga leh ee isticmaala habka kala qeybinta bulshada Soomaaliyeed? Anigu waxaan qabaa inayna jirin.
Anigu waxaan aamminsanahay inay dhibaatadu ka socoto dhinaca dadka waxbartay ee Soomaaliyeed oo kala daadsan oo aan af-garasho iyo isfaham lahayn, inkasta oo isfahanka iyo wada hadalku si fiican uu ugu bilaabmay internetka marka laga soo bilaabo 1994kii, oo wada hadalku illaa hadda u socodo, oo midho dhalkoodi ugu horreeyey hadda uun ay inagu ku soo food leedahay
Sababaha isfahan la’aanta iyo kala-daadsanida keenayna waa iyada oo marxald kala-guur ah ay ku jirto dabaqaddani, oo markaa wakhtigu u saamixi waayey sidey dabaq adag oo horseed u ah ummadda u noqon lahaayeen, laga bilaabo markay Soomaalidu qarnigan casriga soo gashay. Waxa laga yaabaa in kala-guur ahaan wakhtigu ku soo gaabtay koritaanka iyo noqoshada dabaqad hoggaanka u qabata oo u sii gogol xaadha wakhtiyada soo socda si casri ahaan ah. Waxa kale oo dhici kartaa inay door-weyn ay ka ciyaarto kala qabysanaantooda taariikheed iyaga oo ka soo jeeda waxbarasho iyo saykoolijyad ahaanba luqado badan oo ay ka midka yihiin Carabi, Talyani, Ingirisi, Faransiis iyo waliba dhammaan shanta Somaaliyeed wixii guumeystay oo mid kastaa dhinac u jiidaneyo.Waxa kale oo jira qaybo dhan oo wax ku soo bartay afka Soomaaliga.
Ka soo jeeditaanka reer guraanimo, beeroley iyo kuwo asal ahaan ah dhaqan magaalo leh, iyaduna arrinta saamayn ayey ku leedahay kala qaybsanaanta. Dawlladdii militariguna, waxa dhici karta, inay iyaduna korritaankaaas dabaqdeed ay wax ay u dhintay madaama ururdu iyo wada hadalku mamnuuc ahaa wakhtigaas, inkasta oo Soomaaliga midayn doonaa dabaqaddan la qoray xilligaas.
Sababtaa weeyaan inay siyaasadda Somaaliyeed dad aan waxba baran ama waxbarsho ka-badh ahi ay afkaarteeda gacanta ugu hayaan-- in taariikhda Soomaaliyeed qiiro-is-wada raac mar ay gasho marka xigana niyad-jab dhulka la galo 40kii sanaba. Waa arrintaa awgeed inay Soomaali lahaato dhaqan ah in maanta waxa jooga lagu takhasuso (iyada oo macluumaad khaldan la wato) oo aan barito loo fakarin. Sababtaa awgeed weeye in da’dii dagaalkii caalamka labaadi Soomaali afkaarteeda gacanta ugu hayaan in kasta oo waa dhow ayey bilaabantahay madaax da’ yari inay soo gasho sawirka. Laakiin talada iyo afkaarta guud inta ugu badan waxa haysta da’da weyn (iyada oo arrintaasi muhiim tahay). Sababtaa weyaan waxa suugaanta Soomaaliyeed ay wali dad aan waxba baran gacanta ugu hayaan in kasta oo dhaqdhaqaaq arrintaa lagu beddelayo beryahan dambe ay bilaabmeen. Sababtaa weeyaan rag dano gaar lehi inay afkaarta iyo siyaaasadda Soomaaliyeed ka baayac-mushtaraan oo dadka waxbartay had iyo jeer noqdaan deeradii am cawshii nalku qabtay (deer caught in the headlights) mar kasta oo dhibaato ku soo food-yeelato ummadda Soomaaliyeed.
Maxaa haddba xal hah? Marka la eego heerka qorshaha muddada gaaban (short range plan) waa in falsafad aasaasi ah la dajiyo. Falsafaddaas oo ah in dadku wada noolaan karaan, qabiil kasta ha noqdaaane. Inayna Soomalinimadu ahayn wada dhalasho ee ay tahay dhibaatooyinka la soo wada maray ee laga siman yahay iyo danaha la wadaago. In xuquuqda bani aadamku yahay wax aan lagu xadgudbi karin. In dadka jilicdasan loo naxaa, Soomaali badan keena maanta adduunka iyada ayaa ugu jilicsan. Waa in meel kasta oo Soomaali ku nooshahay nabadda loo olaleeyo. Waa in shacabka lagu dhex dagaallamayo laga daayaa. Labo tallaabo horay u soco. Mid dib u soo noqo. Maanta waa markii dib loo soo noqonayey.
Dhinca kale waa in ururo aan cunsuriyad ku fadhyin la abuurto. Nabadda waxa wax ku wayi kaliya nimanka dhiigga dadka ka baayac mushtara. Waa in farta lagu fiiqaa ragga dhibaatada wada. Maanta ninkaasi haddii u qabiil kugu soo jiito, berri adiga wuu ku qabyaaladeeyn. Waa in dadkan la karantinimeeyo oo xitaa dadka isku dhowyihiini faquuqaan.
Waa inay dadka waxbartay ogaadaan xilka saaran dabaqad ahaan. Waa inay kaalin firfircoon ka qaataan oo u doodaan dadka laga gar-daran yahay. Inayna dadka waxbaratay sugin dawladda ee iyagu xoogga bulshada iyo dawladaha beddelayaan noqodaan. In dadka qofka ugu dhow runta u sheegaan haddii wax cunsuriyad qabiil ah ay ku hadlaan ama ku kacaan. Waa in dadka waxbartay ee dadka dugsiyada carruurta u dhisa iyo kuwa u dooda xuquuqdooda iyo dadka wanaagsanba la aqoonsado oo laga shidaal qaato (emulate gareeyo).
Marka la eego siyaasadda arrimaha dibaddana waa in la qataa siyaasad mid qun yar ah iyada oo danaha Somaaliyeed laga fakarayo. Taarriikh ahaan Soomaali waxay ahaayeen kuwa had iyo jeer ka dhiidhiya gumeysiga iyaga reer Galbeedka nafta ku dhibay gaar ahaan 70yihii. Waxa dhici karta in Soomaali maanta qaskeeda looga dambeeyo si loo jilciyo.
Markay tahay qorshaha muddada dheer (long range plan) waa in luqadda Soomaaliga la xoojiyo, la casriyeeyo, (ma aha Soomaaliga ayaa ka wanaagsan luqadaha kale, ee waa ka ugu dhow mideynta dadka waxbartay). In da'da waxa maamusho la beddelo (madaaxda sare xitaa hadday da' weyn noqodaan, dadka waxbartay ee afkaaraha saldhigga wada waa inay u bataan da'da 15-50. In dadka Soomaaliyeed ee aan ka soo jeedin reer guuranimada iyo haweenka lagu soo badiyo maaamulka dawladnimo illaa ururda caadiga. In afkaar ahaan lala baratamo dadka waxbaratay ee dawladaha jaarka ah. In Soomaalida ugu waxbarashada badan aan ka dambeyno da'dey doonaan ha noqdaane. Sababaha dagaalkii 77 la inooga badiyey waxa ka mid ahaa in Itoobiya da’ cusbi kala wareegaty xukuumadda Xayle Silaase iyo jiilkiisiba laakiin Somaali illaa hadda xukmaan kuwii Xayle Silaase la da’da ahaa.
Soomaalidu waxay ka mid tahay dadyowga iska-warhaynta iyo akhbaarta iyo macluumaad helitaankooda ugu firfircoon. Laakiin akhbaaraha iyo macluumaadka ay dadku helaan waa kuwo khaldan maadaama ay ka soo baxaan dad aan waxbaran. Waa inaan arrintaa la saxaa.
Waa inay da’da yari suugaan cusub sameysataa. Suugaanta maanta jirtaa waa suugaan ay iska lahaayeen dadkii qarniyadii hore. Waa inay isbaarada ka qaadaan suugaanta. Xitaa ka saaraan qaafiyadda gabayada. Hab cusub oo loo gabyo sameystaan. Waa inay la-barataan kuwa la midka ee dawladha jaarka. Waa in la tarjumaa buugaagta.
Gabaygan yar ee ana qoray dhow sano ka hor ayaan soo koobya dhibatada Soomaali iyo Soomaaliya iyo sida loo kala jiito inatyiadu soo jiidan lahayd.
Somalia
By and large:
you fit in:
Africa
Arabia
You fit in
in particular:
Djibouti
Ethiopia
Kenya
(and not to mention into
the different Somali clans of a..b..c..d..e..).
and lately, the epidemic
and the cruelity spreading all over,
and the Ogre Big-Ears, (the man)
cannibalizing hundreds of thousands of children
and displacing others
You came to fit in:
Canada and U.S
Europe
Australia
Asia
and the world at large.
Yet, shouldn’t they all fit into you?
Soomaaliya
Guud ahaan:
waxaad ka tirsan tahay:
Afrika
Carabta
Waxaad ka mid tahay
gaar ahaan:
Jabuuti
Itoobiya
Keenya
(iskaba daa qabii’llada Soomaaliyeed ee
kala duwan ee b..t..j..x)
beryahan dambena, safkii cudurka
iyo naxariis-darradii oo sii baahay,
Butigii (ninkii) Dhegdheerena u qashay
boqollaal kun oo carruur ah
kuwo kalena ay barakiciyeen
Waaxaad ka mid noqotay:
Kanada iyo Gobollada Midoobey
Yurub
Awsteraaliya
Aasiya
iyo adduun-weynahaba.
Laakiinse, dhammaantood miyeyna ahayn in adiga ay kaa tirsanaadaan?
Waa in la faa’iideysto internetka. Waa inaan ka faa’iideysnaa waxa loo yaqaan isha furan (open souce) oo si dhakhso leh loo kabo dhaawacii ka soo gaadhay 20 sano waxbarsho la’aan ah. Itoobiya 200,000 ayaa jaamicado maanta ugu jira. Waa in mutadawca la badiyaa.
Markaa dadka waxbartay ee Soomaaliyeed shaqo badan ayaa sugeysa, aniguna waxaan aamminsanahay inay guuleysan karan oo dhibaatooyinkana ay kaban karaan haddi ay xilka saaraan fahmaan oo ay sida habboon wax u qabtaan .
Maxamed Muxumed Dheere
Jananka111@yahoo.com



IslamOnline





















