Waxaa marag ma doonto ah in Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya ay guulo wax ku ool ah oo la taaban karo ka soo hoyisay taliska wayaanaha ee ku amarku taagleeya addis ababa ilaa intii ay bilaabeen halganka hubaysan ee ay kaga soo horjeedaan joogitaan maleeshiyo qabiileedka Zenawi maqale ka soo uruuriyey ay joogaan dhulka ogaadeenya.
Hase ahaatee inta aynaan bal isla qeexin sababaha keenay inay ONLF horumarkan taabo gal ah samayso ayaa waxan jeclaan lahaa bal inaan dib u eegno aasaaskii jabhada wadaniga xoriyad doonka ogaadeenya iyo waxyaalaha ay kaga duwan tahay kuwii ka horeeyey iyada.
Sida dad badani ka war qabaan ONLF waxaa aas aasay naftood hurayaal reer Ogaadeenya ah oo qaar badan oo ka mid ahi ay wakhtigan xaadirka ah hormuud ka yihiin dhaqdhaqaaqa hubaysan iyo midka siyaasadeed ee ka socda ogaadeennya. Run ahaantii waxan odhan karaa JWXO waa ururkii ugu horeeyey ee ka halgama ogaadeenya ee aan dad kale dhismihiisa ka qayb qaadan balse ka yimid fikirka dad u dhashay gobolkaas taasina waxay noqotay talaabadii ugu horeysay ee horseeda guulaha ay hada ONLF hoos hadhsanayso waayo shaqsiyaadkii fikirka lahaa waxay dhamaan daacad ka ahaayeen ujeedada loo aas aasayey ururkan iyaga oo si isku mid ah uga danqanayey darxumada lagu hayo dadkooda iyo iyaga oon dano gaar ah wadanin. Mida kale waxay xor ka ahaayeen faragalin shisheeye oo dibada uga timaada kuna qasta danaha ururka midooda gaarka ah. Dad badan oo siyaada geeska Africa wax ka qora ama u dhuun daloola ayaa aaminsan in jabhadahii hore ay dhaqaalo ahaan iyo siyaasad ahaanba hoos
iman jireen xukuumadahii soomaaliya ka talin jiray, taasina ay markasta iska horkeeni jirtay danaha soomaaliya iyo kuwa halkanka ogaadeenya. Sidaa darteed ONLF waxay ka timid fikir xor oo ay soo alifeen shaqsiyaad ku abtirsada degankaas. Jabhadahii hore waxay siyaasad ahaan hoos iman jireen dawladdii soomaaliya, had iyo jeerna meesha danta soomaaliya ku jirto ayaa jabhadana loo jahayn jirey. Haddii soomaaliya go’aansato in dhaqdhaqaaqa la kala diro waa la kala diri jirey siddii dhacday sideetamaadkii ka dib markay siyaad barre iyo mengistu heshiiyeen. Mida kale waxay dhismihii ONLF meesha ka saartey fikirkii ummad badan shacabka ogaadeenya ka mid ahi ay aaminsanaayeen ee ahayd inaanay kaligood meel istaagi Karin, iyaga oo had iyo goor ku dooda inaanay heleynin meel ay dhaawaca gaystaan iyo meel ay dhaqaalo ka helaan iyo weliba meel ay wax kala soo degaan haddii la waayo taageerada soomaaliya.
Hadaba xubnihii aas aasay ONLF iyaga oo ka dharagsan waxa dad badan oo reer ogaadeenya ahi ay rumaysan yihiin ayaa waxay dhismaha JWXO saldhig uga dhigeen afar qodob oo midba midka kale fure u yahay kuwaas oo maanta halku dhig u ah halganka ka socda ogaadeenya.waana kuwan afarta qodob ee dastuurka JWXO hadafkeedu ku salaysan yahay:
Midnimo
Isku tashi
Guul
Gobanimo
Midnimo
Iyada oo jabhadu ogtahay kana dharagsan tahay inaan midnimo la’aan waxba suurto gali Karin ayey ugu horeyntiiba waxay tiirka koobaad u soo qaateen midnimo, waxayna ONLF bilowday sidii ay u midayn lahayd shacabkeeda meelkasta oo ay joogaan. Shacab waynaha reer ogaadeenya oo muddo dheer gumaysi cadow ah ku hoos jiray, loona kala qoqobay qabiil qabiil iyo gobal gobal ayaa midayntiisa waxay jabhadu kala kulan tahay dhib. Hase ahaatee xoog iyo maskax badan ka dib waxaa jabhada u suurto gashay inay isu soo dhawayso ummadda ku dhaqan ogaadeenya.wakhtigan xaadirka ahna waxaa la odhan karaa ilaa 90% sidii loogu talo galay buu qorshahaasi u fuley. Jabhadu waxay abuurtay ururo bulsho iyo kuwo siyaasadeedba kuwaas oo laga abuuray dhamaan daafaha dunida. Ururadan waxaa loo xilsaaray sidii ay u midayn lahaayeen bulshooyinka halkaas ku dhaqan ee ka soo jeeda ogaadeenya. Arintani waxay suuro galisay in dhamaan bulshada reer ogaadeenya meelkasta oo ay joogaan in uu
dareenkeeda siyaasadeed kobco, wax qabadkoodana meel loo wada jaheeyo. Ururadaasi waxay bulshada dareensiiyeen inaan qolo qolo iyo kala qaybsanaan guul lagu gaadhi Karin balse loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto iska caabinta cadowga.
Isku tashi
Isku tashi oo ah qodob aad muhiim ugu ah halgan ogaadeenya ayaa runtii noqday midka sida dhabta ah loogu guulaysay. Halgankan oo ah halgan shacab ayaa ujeedada qodobkan loo cuskayday baa waxay tahay in shacabka lagu baraarujiyo inay isku tiirsadaan iskuna tashadaan, iskana iloobaan inay meel kale wax ka sugaan. Qogobkani wuxuu ka soo duxay maahmaahda odhanaysa biyo sacabadaadaa lagaga dhargaa. Aadamaha wax baahi tiri kara ma jiro oon ka ahayn gacmahiisa iyo muruqiisa. Hadaba tiirka ugu muhiimsan tiirarka halganku ku fadhiyo waa in shacabku muruqiisa, maalkiisa iyo maskaxdiisa isu geeyo kana tanaasulo inuu meelo kale wax ka sugo taasina waxay noqotay mid si fiican u dhaqan gashay. Halganka ogaadeenya waa mid shacab, taas macnaheedu waa mid ka yimid shacabka dhexdiisa. Qoryaha lagu dagaalamayo shacabka baa keeney inkasta oo mudadan dambe hubka laga helo wayaanaha la laayey. Cadka iyo caanaha waxaa laga keenaa shacabka. Wiilasha iyo gabdhaha dagaalamaya
waxay ka yimaadaan shacabka. Dhankasta oo laga eegaba halgankani waa mid shacab waana midka keenay inuu maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysto waayo haddii aan shacabku isku tashan aaminina ama qaadanin fikirka isku tashi waxaa hubaal ah in ONLF sida kuwii hore ay mar hore afka dhulka galin lahayd. Nasiib wanaag halganka JWXO waxaa majaraha u haya dadkii iska lahaa waxaana taakulaynaya shacab waynaheeda.
Guul iyo Gobanimo
Labadan qodob, Guul iyo Gobanimo oo iman kara marka la helo midnimo iyo isku tashi ayaa iyaguna ah kuwo saldhig looga dhigay aas aaskii ama abuuritaankii ONLF. Marka la guulaysto baa gobanimo la helaa sidoo kale marka gobanimo la helo waa mar la guulaystay. Hadaba jabhada ONLF waxay ku han wayn tahay in guushu maalin dhow dhalan mar haddii ay ku guulaysatay qodobada midnimo iyo isku tashi. Horey looma arag ummad halgan dhab ah hangantey oo guul dareysatey. Inta maanta dunida guudkeeda ummad xor ah ku nool waxay ka wada hoos baxeen gumaysi ama ha dhawaato ama ha dheeraatee, xoriyadoodana waxay u daadiyeen dhiig iyo dhidid. Sidoo kale waa hubaal in maalin maalmaha ka mid ah shacab waynaha ogaadeenya uu calan uu isagu iska lee yahay hoos hadhsan doono, iskuna maamuli sharaf iyo cisi.
Haddii aan dhismihii iyo aas aaskii JWXO intaas ku soo koobno oo aan bal isla eegno waxyaalaha sababay in ONLF ku guulaysato halganka hubaysan iyo midka siyaasadeedba, marka hore in ONLF wiiqdo nacabkeeda horumar dhinac kasta ahna gaadho waxaa keenay, sida xaqiiqadu tahay, dhowrkan qodob ee soo socda:
Alla aaminimo, tayada ciidanka ONLFoo ka sareeya kuwo wayaanaha, isku kalsooni, geesinimo, adkaysi, dulqaad, samir badni iyo aqoonta dabeecada dhulka.
Alla aaminimo:
Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya waxaa saldhig u ah guulaha ay ka soo hoyiso maxaysatada kaligii taliye Zenawi alla aamninimada ay illaahay aaminsan yihiin. Waxay rumaysan yihiin in haddii ay dhintaan ay shihiid yihiin, haddii ay cadowga dilaana inay iyana shihiid yihiin waayo cadowga wayaanuhu waa mid ku soo duulay dhulkooda waana mid gardaro iyo awood sheegasho ku jooga dhulka ogaadeenya. Waxay ONLFxubnaheedu aaminsan yihiin inaanay wakhtigii loo qoray dhaafaynin taasina waxay meesha ka saaraysaa cabsi iyo calool nugaylka. Waxay aaminsan yihiin in shaqsi kasta ay waajib ku tahay inuu diintiisa, dhulkiisa iyo dadkiisaba daafoco.
Tayada ciidanka:
Tayada ciidanka ONLF waa tiirka koobaad ee keenay guulaha is daba jooga ah ee jabhadu ka soo hoyisay maxaysatada wayaanaha. Ugu horeyn Gabdhaha iyo Wiilasha qalabka sida ee ONLF waa kuwo iskood isu keenay oo rabitaankooda ku yimid uguna soo biiray halganka halka maxaysatada wayaanaha la soo qasbo qori afkiina lagu keeno. Jabhadu waa mid loo dhamaystirey dhamaan wixii tababar ciidan looga baahnaa oo dhan halka ciidamo ku sheega Zenawi goobaha dagaalka lagu soo shubo iyaga oon haba yaraatee aan xitaa sida qoriga loo rido si fiican badhkood loo barin waayo taliska Zenawi wuxuu dagaal kaga jiraa gobo badan oo kala gadisan taasina uma suurto galinayso inuu ciidankiisa si buuxda u tababaro. Mooraalka ama niyada ONLF waa mid aad iyo aad u sareeya halka kuwa maxaysatadu uu aad u hooseeyo. Ciidamada ONLF waa kuwo loo carbiyey inay naftooda aaminaan halka kuwa wayaanaha loo carbiyey inay faraha ciidankooda iyo awooda qalabka wataan ay aaminaan. Wiilasha iyo
gabdhaha ONLF waa kuwo loogu talo galay inay baahida, kulayl iyo dhaxantaba u adkaystaan halka kuwo wayaanuhu aanay awoodin inay hal habeen qadaan. Naftood hurayaasha ONLF waa kuwo xaq ku dagaalamaya fahansana waxa ay u dhimanayaan halka wayaanuhu aanu garanayn ujeedada ay u dhimanayaan.
Qodobada kale ee ONLF u suurto galisay inay in halgankeedu taabo galo oo uu cadowga naafeeyo waa isku kalsoonida, geesinimada, adkaysiga sida daalka , oonka, gaajada iyo dhaxanta, samirka, dulqaadka iyo weliba aqoonta degaanka. Halgamayaasha ONLF waa kuwo samir illaahay ugu deeqay. Waxay balan ku qaadeen inay u samaran dhibkasta oo soo gaadha ilaa bulsho waynta soomaalida ogaadeenya ay madax bannaani buuxda ka gaadhsiinayaan. Isku kalsoonida iyo geesinimaduna waa arimaha kale ee ONLF gaarka u lee dahay, shaqsiga kaliya ee ONLF ha ahaado gabadh ama wiile wuxuu u bardhigi kara 100 wayaane ah, taasina waa sababta keentey in goobkasta maxaysatada wayaanaha lagaga gacan sareeyo tiro kasta oo ay yihiin iyo qalabkasta oo ay wataanba.
Hadaba isku soo duuboo waxyaalaha horseeday guulaha ONLF waa kuwa aan kor ku soo xusnay iyo kuwa kale oon halkan lagu soo koobi Karin, waana kuwo aan odhan karo waa lagu faani karaa. Guulaha la taaban karo ee maanta JWXO ay gaadhay waxaa ka mid ah inay maxaysatada wayaahan dhabarka ka jabisay kana dhigtey mid dhumay iyo mid dhaan raacay. Waxaa kale oo ay ONLF gaadhsiisay Meles Zenawi heer uu qaylo dhaan afka furto kuna wardiyo sida tusbaxii magaca ONLF ka dib markii uu u adkaysan waayey dharbaaxooyinka naftood hurayaasha ONLF. Meles oo sida laga wada war qabo caan ku ah kibir iyo isla wayni ayaa mudo dheer afka ka dhawri jirey magaca ONLF, isagoo weliba ku tilmaami jiray nabad diid aan naf lahayn khatarna haba yaraatee aan galin Karin taliskiisa, dhinaca kalana indhaha ka daboolanaya qasaaraha ciidamaddiisa looma ooyaanka ah ka soo gaadhayey weerarada joogtada ah ee jabhada xaq u dirirka ogaadeen.
Sikastaba ha ahaatee JWXO waxay Zenawi ku qasabtay inuu khalkhalo oo meel laga jiro garan waayo taasna waxaa markhaati u ah inuu markuu u adkaysan waayey dagaalka geesiyada ONLF inuu soomaaliya isku maqiiqo isaga oo u jeedadiisu tahay inuu soo af jaro dhaqdhaqaaqa xoriyad doonka ogaadeenya gaar ahaan meelaha ay taakulada ka helaan. Ujeedada soomaaliya uu Zenawi ugu duulayna waxaa ugu waynaa , sida ay la ahayd isaga, inuu ONLF xarumaha ay soomaaliya ku lee dahay soo qabsado si aan dib dambe jahadaa dagaal uga iman. Taasna waxaa markhaati ka ah qudbadahii ciidamadiisu ka jeediyeen qabri dahare ee ay ugu hanjabeen in reer qabri dahare wiilashooda soo xareeyaan iyaga oo weliba kabaha madaxa ku wada haddii kale in la soo qaqaban doono. Waxay ku faaneen in meelihii ay jabhadu gali jirtey in ciidamada itoobiya qabsadeen, ONLFna aanay heli doonin meel ay ku dhuuntaan ama gar gaar ka helaan.
Nasiib daro waxaa dhamaan beenoobay riyooyinkii Zenawi ee ahayd in haddii uu Soomaaliya qabsado in ONLF baabi’i doonto, halganka gobonimo doonkuna halkaa ku hakan doono hase ahaatee waxaa Zenawi u dhabowday in meel aan meeshii ahayn uu cudurkiisa ka raadiyey. Zenawi iyo kuwa dabaqoodhiga ah ee beenta ugu sheekeeyaba waxaa la soo daristay argagax iyo jaah wareer. Waxaa saddex jibaarmay weeraraddii JWXO ay ku hayeen maxaysatada saamo la luudka ah ee ka hawl gala ogaadeenya iyo kuwa dhuuni qaatayaasha ah ee dabo dhoonka u ah. Maanta Zenawi wuxuu marayaa heer uu baarlamaanku sheegiisa ka horbeeniyo guulaha ONLF isaga oo ku aamini waayey kuwii uu horey beenta ugu dhiibi jirey si ay saxaafada ugu sheegaan.
Gunaanadkii iyo gaba gabaddii, ONLF waxay noqotay waabaryey, waa baryeyna cidu shacabada kuma qarin karto. Meles na maanta kursigiisu wuu gilgilanayaa, xaalkiisuna waa neef gawracani geedo kama gudo. Mida kale waxaa u cadaatay inaan ONLF soomaaliya ka jirin balse ay dhinackasta ugu faaftay gayiga ogaadeenya. Shacabka reer ogaadeeniyana waxaa u cadaatay inay kaligood istaagi karaan kuna dagaalami karaan muruqooda, maskaxdooda iyo maalkoodaba.
Forum posts are user-submitted and do not necessarily represent the opinion of Kilil5.com