Xasuuqa Qabalaha MULA ee Deg. Q/Bayax
Waxaa maalintii ahayd axada lagu laayay dad gaadhaya 7 qof qabalaha mula ee ay degaan reer xasan (abaskuul) ee deg. qabri bayax. waxaa maalintaa ay ciidanku raaceen niman ay ka mid yihiin China(hogaanka nabadgalyada) iyo dayr(madax maleeshiyada) oo ka amar qaata cabdi dhuub waxaana nimankii ahaa ciidanka ee dawlada itoobiya lagu marin habaabiyay in ay yihiin dadkani ONLF balse ay ahaayeen dad ah degaanka oo ay arintani ka soo shaqeeyeen cabdi dhuub oo ah reer guuleed jaamac oo ku ah cadaw abaskuusha bari ay rabeen in ay u sheegaan in ay ka awood baden yihiin abuusha bari oo ay say rabaan ka yeeli karaan. maxaa yeelay waxa dhacday in ay reer guuleed jaamac laga saaray golaha dhexe iyo waliba wasiirada sababtoo ah badankoodu waa dad aan waxbaran ayaa raba in ay sharafta reeraha abaskuul bari meel kaga dhacaan iayagoo leh waa ONLF balse xaqiiqdu waa in ay ONLF ku baden yihiin reerka cabdi dhuub oo ah reer geedi iyo waliba reer xildiid. markaa dawladu way baadhi toontaa xaqiiqda jirta balse cadaawada reer guuleed jaamac wey soo if baxaysaa iyagoo nagu haysta aqoontayada iyo waliba kartidayada. markaa cabdi dhuub waa lagala xisaabtami xasuuqaas uu geystay dawlada federaalkuna ka harimayso in ay xaqiijiso waxa jira iyo in walaiba la horkeenu sharciga federaalka cabdi dhuub iyo kuwa kale ee ah reer guuleed jaamac.



IslamOnline











